Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddiga doorashada heer federaal oo beeniyey qoraalo lagu baahiyey baraha bulshada

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) ayaa been abuur ku tilmaamay qoraalo lagu faafiyey baraha bulshada oo lagu sheegayo inla fasaxay xubnihii la xanibay kuraastooda.

Qoraalkan ayaa waxaa la soo dhigay barta ay facebook ku leeyihiin guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Koonfur galbeed

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) wuxuu ku wargelinayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Doorashada in warqaddani aysan ka soo bixin guddiga islamarkaana tahay been abuur laga sameeyey xubnaha guddiga” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga FEIT

Guddiga Doorashada heer federaal ayaa sheegay inuu dammaanad qaadayo gudashada waajibaadkiisa qaran iyo dhammeystirka doorashada waqtiga loo asteeyey.

HOOS KA AKHRISO QORAALADA BEEN ABUURKA LAGU TILMAAMAY.

https://www.youtube.com/watch?v=C7HqZlLNE2s&t=143s

Related posts

Macalinkii lagu dilay Muqdisho oo maanta la aasay xilli aan lasoo qaban ninkii dilay

Cabdi Cade

Tirada ciidamada Ruushku u diyaariyey duulaanka Ukraine oo la ogaaday

Caydiid Ali

Daawo Sawirada “Madaxweyne Farmaajo oo safar dhulka ah ku gaaray Magaalada Qardho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---