Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Tirada ciidamada Ruushku u diyaariyey duulaanka Ukraine oo la ogaaday

Ruushka ayaa ciidamo badan ku soo daadiyay meelo kala duwan oo ku teedsan xudduudaha Ukraine, laakiin in la ogaado tirada dhabta ah waa adag tahay.

Saraakiisha reer galbeedka ayaa todobaadkii hore sheegay in tiradaasi ay gaartay 130,000  marka loo eego qiyaastoodii hore ee 100,000. Balse khudbad uu jeediyay Talaaladii, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu ku sheegay tirada xitaa in ka badan, 150,000.

Iyadoo Ruushku uu sheegay in uu bilaabayo in uu dib u soo celiyo ciidamadiisa, uuna soo afjari doona dhoolatuska milatari ee Crimea. Aqalka Kremlin-ka ayaana beeniyay in Ruushka uu duullaan qorsheynayo.

Ciidamada cusub ee la geynayo dalka Belarus waxaa ka mid ah ilaa 30,000 oo askari, halkaas oo dhoolatus milateri oo wadajir ah loo qorsheeyay inuu ka socdo ilaa 20ka Febraayo.

Duullaanka Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine waa mid dhici doona, sida uu qabo Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden.

Waxa uu sheegay in Maraykanka uusan xaqiijin ciidan uu Ruushka ka qaaday xuduudda Ukraine, inkastoo ay xukuumadda Moscow shaacisay inay aaggaas kala baxayso qeyb kamid ah ciidamadeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo taageero cusub weydiisatay Sacuudiga

Caydiid Ali

Farxiyo Falfaloos oo dib u heshay kursiga Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Galmudug

Cabdi Cade

Meydadka gabdho Soomaali ah oo laga helay harada magaalada Cheska (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---