Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada “Madaxweyne Farmaajo oo safar dhulka ah ku gaaray Magaalada Qardho

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saaka socdaal dhulka ka bilaabay magaalada Garoowe, isaga oo ku safray laamiga dheer ee isku xira Garoowe iyo magaalada Qardho, halkaasoo meel 10km u jirta lagu soo dhaweeyay fardo iyo caleemo qoyan.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliyay madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, waxayna si wadajir u dhax dhigeen mashruuca dhismaha waddada magaalada Dangoroyo iyo Eyl.

Xaalado ammaan dartood ayaanan madaxweynaha u suurtogalinin in uu socdaal xagga dhulka ku tago magaalooyinka dalka marka laga reebo Afgooye oo caasimadda u jirta 30km oo kaliya.

Waddada uu madaxweynaha ku safray waxa ay ka mid tahay kaabayaasha dhaqaale ee fara ku tiriska ah ee dalka wali kasii jira, taas oo la dhisay 40 sano ka hor, wixii ka dambeeyayna ay aad u yaraayeen mashaariicda dalka lagu soo kordhiyay.

Madaxweynaha waxa uu u kuurgalayaa xaaladaha nololeed, iyo baahiyaha ay qabaan shacabka ku nool gobollada maamul Puntland, wuxuuna kulamo la yeeshey qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan odayaasha dhaqanka.

Booqashadan ayaa kaga duwan kuwii uu ku tagay meelaha kale ee dalka sida uu shacabka u dhexgalay, iyo kulamada gaar ah ee uu la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland, gaar ahaan odayaasha dhaqanka.

“Dowladnimada aan dooneyno ayaa ah mid ay saldhig u tahay taageerada shacabka, maantana waxaa caddeyn muuqata u ah sida shacabka Puntland ay uga wada qeyb qaateen dhismaha garoonkan, ganacsatada, salaadiinta, culumada iyo dhammaan qeybaha bulshada, waana taageerada lagama maarmaanka u ah dowladnimada.” ayaa lagu yiri qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha caalamka oo War ka soo saartay ismari-waaga ka taagan doorashada (Akhriso)

Caydiid Ali

Ciidamo ka madax banaan DF iyo Galmudug oo Gaalkacyo lagu soo bandhigay (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Daah-furay Madaadii’da Nabadda ee Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---