Maxaa ka dhacay maanta xarunta ay ka socotay Shahaado bixinta xubnaha labada aqal?

Xubno ay hoggaaminayaan Guddoomiyihii hore ee Guddiga doorashada federaalka FEIT Maxamed Xasan Cirro iyo Xoghayihii xilka laga qaaday C/raxiim Xiirane ayaa maanta fowdo ka dhex bilaabay Xarunta ay ka socotay shahaado bixinta ee Hotelka Airport, iyagoo doonaya inay hor istaagaan howsha socotay sida lagu sheegay qoraal uu caawa soo saaray guddiga FEIT oo sidan hoose u qornaa:-

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinku Heer Federaal ee (FEIT) waxaa uu u caddeynayaa Bulshada Soomaaliyeed iyo cid kasta oo daneynaysa arrimaha doorashada, in Guddoomiyihii hore ee Xilka laga qaaday Maxamed Xasan Maxamed iyo Xoghayihii hore Cabdirixiin Cabdicasiis Adam, ay maanta soo weerareen Xarunta Guddiga, iyaga oo isku dayey inay qalalaase ka abuuraan goobta ay shahaado bixintu ka socotay. Xubnaha abuuray qaskaas ayaa ah kuwo ku shaqeynaya fikrado gurracan oo xagal-daacinaya shaqada doorashada.

Waxay ka dhigantahay in caqabado iyo jid-gooyo hor leh lagu abuurayo doorashada iyaga oo dhexda mareyso shaqada shahaada bixinta Xildhibaanada la doortay. Guddigu waxa uu ku dedaalayaa mar kasta inaan ka dhabeynayno dhammeystirka Jadwalka doorashada ee aan horey u shaacinnay.

Mahadsanidin!

 

- Advertisement -