(Daawo Sawirro) Cusmaan Sh. Cali Buraale oo qarax miino lagu dilay iyo Al-Shabaab oo sheegatay

Gudoomiyihii hore ee Degmadda Qoryooley ee Gobolka Sh/Hoose Cusmaan Sheekh Cali Buraale ayaa Qarax miino lagu dilay duleedka degmadda Baraawe, iyadoo weerarkaas ay sheegatay masuuliyadiisa Al-Shabaab.

Gaari nooca xamuulka ee N3 ah oo uu saarnaa Guddoomiyihii hore ee Degmada Qoryooley Cusmaan Sheekh Cali ayaa la sheegay inay Miino ku qabsatay meel u dhow degmadda Baraawe, halkasoo uu ku geeriyooday, waxaana qaraxa ku dhaawacmay darawalkii gaariga.

Gaariga ayaa burbur xoog leh kasoo gaaray qaraxa iyadoo uu isla goobta ku dhintay Cusmaan Sheekh Cali Gudoomiyihii hore ee Degmadda Qoryooley.

Waxaana isla saakay la aasay, wuxuuna muddooyinkii danbe madax ka ahaa shirkad dhiseysa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe.

Lama oga in Qaraxu uu ahaa mid loogu talo galay Cusmaan Sheekh Cali Buraale iyo inuu u qabsaday si lama filaan ah, iyadoo al-shabaab looga bartay iney qaraxyo iyo dilal la beegsadaan ciidamada iyo dadka dowlada la shaqeeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -