Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xanibaadii saarneyd Masjidka barakeysan ee Xaramka oo la qaaday (Sawirro)

Masjidka wayn ee barakaysan ee Makah Al-mukaramah ee waddanka Sucuudiga ayaa markii ugu horraysay si buuxdo loo furay tan iyo markii uu bilowday cudurka Covid-19, kaddib markii la khafiifiyay xayiradihii lagu xakamaynayay cudurkaasi.

Waxaa meesha laga saaray astaamihii lagu dhajiyay dhul dhaca hoose ee masjidka ee dadka ku cibaadaysanaya ka caawin jiray inay kala fogaadaan, haatanna waxaa dadka loo ogolyahay in sidii caadiga aheyd ay garbaha isku qabtaan.

Balse, Waxaa qasab ah in dhammaan dadka masjidka galaya ay tallaal buuxa qaateen ayna marnaba iska furin af xirka ama Facemask-ka.

Sacuudiga ayaa ka mid ah meelaha uu sida weyn u saameeyey cudurka COVID-19, waxaana labadii sano ee la soo dhaafay la joojiyey cudurka awgiis, gudashada waajibaadka xajka oo ay sanad walba ka qeyb geli jireen malaayiin qof oo caalamka isaga yimid.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Iska horimaad dhimasho & dhaawac geystay oo saaka ka dhacay duleedka Boosaaso

Caydiid Ali

Taliska Booliiska oo lagu amray in ay si degdeg ah usoo xiraan masuul katirsan maamulka G/Banaadir

Cabdi Cade

Daawo:-C/raxmaan C/Shakuur oo dood adag Ka Keenay arrin halisteed leh oo ay Kula dhaqaaqday Villa Somalia !!

admin
Taboola Ads ---