Talyaaniga oo ka hadlay weerarkii saaka ciidamadiisa ku qabsaday Muqdisho

Wasaaradda Gaashaandhigga Talyaaniga ayaa xaqiijisay in qarax weyn lala eegtay ciidamo ka tirsan Talyaaniga oo marayey jidka Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Qoraal la soo dhigay bogga Twitterka ee Wasaaradda ayaa lagu sheegay inuu qaraxa uu haleelay laba ka mid ah gaadiidka Gaashaaman ee ay wateen kolonyada ciidamada Talyaaniga oo ka yimid tababar ay soo siiyeen ciidamo Soomaali ah

Waxay sheegtay Wasaaraddu inuusan jirin khasaaro nafeed oo ciidamada Talyaaniga kasoo gaaray qaraxii saaka ka dhacay Muqdisho, ayna xarumahooda ku laabteen iyadoo aaney soo gaarin wax dhaawac ah.

Labo qof oo shacab ah ayaa la sheegay iney qaraxa ku dhinteen sidoo kale dhawr qof oo kalena ku dhaawacmeen, waxaana burbur xoogan uu soo gaaray goobo ganacsi iyo guryo ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Ma jirto weli cid sheegatay weerarkan lagu qaaday ciidamada Talyaaniga, inkastoo weerarada noocaan ah looga bartay Kooxda Al-Shabaab oo sanad ka hor weerarkan kan oo kale la beegsatay ciidamo talyaani ah oo marayey isla goobtan.

Militariga Talyaanigu waxay ka howlgalaan howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM), oo loogu talagalay in lagu xoojiyo Dowladda Federalka Soomaaliya ,iyada oo loo marayo talooyin milatari oo istiraatiiji ah oo loo fidiyo hay’adaha difaaca Soomaaliya iyo tababaro milatari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -