Sidee Al-Shabaab ugu suuragashay gelitaanka xarunta Otto otto ee aadka loo ilaaliyo? (Akhriso xeelad yaab leh )

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxay barqadii maanta weerar ismiidaamin ah iyo mid toos ah ku qaadeen dhismaha xarunta Gurmadka Booliska ee Otto otto oo kaabiga Ku haya Isgoyska Sayidka ee Magaaladda Muqdisho.

Xaruntan oo sidoo kale ay si kmg ah ugu shaqeynayeen Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga ayaa waxay wax ka yar 1-km u jirtaa xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia oo ay degan yihiin madaxda sare ee dowlada.

Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkan, iyadoo xog aanu helnay ay sheegeyso in xeelad yaab leh ay adeegsadeen dableyda al-shabaab si ay gudaha ugu galaan xarunta  Otto.

Askari ka tirsan Booliskii ku sugnaa xaruntaas ayaa sharaxaad ka bixiyey qaabka loo galay xaruntaas, isagoo sheegay in rag la socday labo Gaari oo noocoodu ahaa (SURF) ay ka soo gudbeen Baraha Kontorol ilaa albaabka weyn ee laga soo galo  dhismaha Otto-Otto, iyagoo askarta ilaalada ah tusayey Aqoonsiga ciidamada iyo Shaqaalaha Wasaaradaha Amniga Qaranka iyo Arrimaha Gudaha oo la been abuuray.

Ciidanka illaalada ka ah xarumaha dowlada ayaa la sheegay ineysan aqoon u laheyn kala saarida kaararka aqoonsiga ee saxda ah iyo kuwa la been abuuray taasoo ah sababta ugu weyn ee suuragelisay in dableyda al-shabaab ay si fuidud ku galaan xarunta Otto otto.

Dableyda Al-shabaab ayaa waxaa la sheegay iney iska dhigeen Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradahaasi iyo Ciidan ka tirsan kuwa amniga, waxayna gudaha u galeen xaruntaas iyadoo aysan jirin cid ka shakisay.

Xogta ayaa sheegeysa in ilaa shan dagaalyahan oo la socday gaadiidkaasi ay gudaha u galeen Dhismaha Otto-Otto, ka hor inta uusan gaari kale oo la socday isku qarxin Bar control oo Ciidanka ilaalada Madaxtooyada u taalla wadada Sayidka.

Kooxdii Al-shabaab ee gudaha u galay dhismaha ayaa tacshiirad iyo qaraxyo la beegsaday Ilaaladdii dhismaha gudihiisa joogtay iyo qaar ka mid ah shaqaalihii ku sugnaa Xafiisyadda Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

Iska-horimaad iyo qaraxyo ayaa laga maqlay gudaha dhismahaasi muddo saacad ka badan, iyadoo xog aan helnay ay muujisay in 3 ka mid ah dableyda Al-shabaab la dilay, halka qaar kalena ay isqarxiyeen intii uu socday weerarkaas.

Wararka ayaa sheegaya in Mas’uuliyiin iyo ilaalo ku sugnaa dhismahaasi la dilay, halka kuwa kalena la dhaawacay inkastoo aanan tirakoob sax ah laga heynin.

Wasiirada arrimaha gudaha iyo amniga gudaha ayaa la xaqiijiyey in xiliga uu weerarkan dhacayey aysan joogin xaruntaas, iyadoo shaqaalaha iyo masuuliyiintii kale ee joogay xaruntaas intooda badan ay ka baxeen albaab dambe oo xaruntaas looga baxo.

Ugu yaraan 10 ruux oo isugu jira ayaa ku dhintay weerarkii maanta oo ahaa kii ugu horeeyey noociisa ah ee Muqdisho ka dhaca muddo dhowr bilood ah, waxaana ku dhaawacmay labaatameeyo kale.

Al-shabaab ayaa looga bartay iney la soo baxaan xeelado iyo farsamooyin cusub oo ay adeegsadaan weerarada ay ku galaan xarumaha dowlada iyadoo weerarkii maanta uu u muuqday muddo muddo badan laga soo shaqeynayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -