Allbanaadir.com
NEWS

War Deg Deg Ah: Qarax Weyn oo ka dhacay Muqdisho iyo Rasaas xoogan dhaceysa

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho gaar ahaan dhinaca Isgooska Sayidka ee Laamiga Maka Al Mukarama ka dhacay qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Qaraxa kadib ayaa waxaa la maqlayaa rasaas xoogan oo ka dhaceysa halka uu qaraxu ka dhacay, lamana oga in rasaasta ay tahay iska hor imaad iyo in ay ridayaan ciidamada amaanka.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ee ku aadan Isgooska Sayidka waxaa ku yaala xarunta Baarlamaanka, waxaa sidoo kale halkaasi kuyaala xarumaha Wasaarada Amniga iyo Gudaha.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo heshiis la saxiixatay shirkad uu leeyahay Elon Musk

Caydiid Ali

Al Shabaab oo shaacisay Sababta ay u toogteen Yaasiin Maxamuud Cumar

Cabdi Cade

Dad ka badan 60-qof oo ku dhintay Tareen dab qabsaday (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---