Allbanaadir.com
NEWS

Dil caawa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa caawa xaafada Towfiiq ee degmada Yaqshiid ku dilay nin dhallinyaro oo kamid ahaa dadka deegaanka, waxaana falkan dilka ah aad uga naxay dadkii aadka u yaqaanay marxuumka.

Gooboojagyaal ayaa ku waramay in kooxaha hubeesan ay toogteen Cabdiraxmaan Cali Maxamuud xilli uu kasoo baxay masaajid uu kusoo dukaday, waxaana dilka kaddib goobta isaga tagay ragii dilka geestay.

Ciidamo katirsan booliiska iyo nabad sugida ka howlgala degmada Yaqshiid ayaa dilka kaddib soo gaaray halka uu ka dhacay, lamana sheegin cid ciidamada usoo qabteen falkan dilka ah ee caawa dhacay.

Ninkan dhallinyarada ah ee caawa lagu dilay  Muqdisho ayaa kamid ahaa ardayda kuliyadda beeraha ee Jaamacadda Umadda ka baxay , waxa ayna eheladiisa iyo asxaabtiisa sheegeen in uu ahaa nin fir fircoon oon wax shaqo ah ku laheyn siyaasad iyo arrimo dowladeed.

Dilka ayaa caawa dhacaya xilli ammaanka magaalada Muqdisho lagu wareejiyay ciidamo cusub oo ah booliis sida milatari u tababaran, ciidankan ayaana ka howl bilaabay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukun dil ka dhashay Haweeney mareysay bar hubin ah oo la riday

Cabdi Cade

Wax ka barashada Galbeedka Afrika si loo dhiso xasillooni iyo amni?

Cabdi Cade

Dowlada Mareykanka oo shacabkeeda uga digtay iney booqdaan 19 dal & Somalia oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---