Allbanaadir.com
NEWS

Kaluumeysato Soomaaliyeed oo Habow ku tagtay dalka Sri Lanka (Daawo Sawirada)

Ciidamada badda dalka Sri Lanka ayaa soo bad baadiyay kaluumeysato Soomaaliyeed oo habow ku tagtay kuna go’doonsanaa meel kamid ah Biyaha dalka Sri Lanka ee kuyaala qaarada Aasiya.

Markabka ciidamada Dagaalka dalka Sri lanka ee SLNS NANDIMITHRA ayaa habeenkii arbaca soo bad baadiyay sadex nin oo kaluumeysato  Soomaaliyeed ah  oo ku sugnaa meel ka baxsan  Xeebta Degmadda Galle Lighthouse ee Koonfurta Sri Lanka.

Kaluumeysatadan Soomaaliyeed oo la sheegay in maalmo badan ku jireen badda ayaa loo fidiyay daryeel caafimaad, waxaana la geeyay saldhig booliis oo kuyaala magaaladda Galle Lighthouse.

Waxaan wali la ogeyn halka ay ka shiraacatay doonta ay la socdeen Kaluumeysatadan Soomaaliyeed iyo mudada ay biyaha badda ku jireen, waxa ayna ugu dambeyn Kaluumeysatadan habow ku tageen dalka Sri Lanka.

Kaluumeysato Soomaaliyeed ayaa marar badan biyaha badda lagu waayay kadib markii la waayay halka ay jaan iyo cirib dhigeen, waxaana suurto gal ah in Kaluumeysatadan lagu hayo Sri Lanka in mudo aan warkooda la heyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Xiliga la qabanayo Xaflada caleemo saarka Madaxda cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Sirdoonka Somaliland oo qabtay agab la sheegay in loo waday Laascaanood (Sawirro)

Cabdi Cade

Jubbaland oo Wararkii Ugu Kululaa kasoo saartay Dagaalkii Muqdisho Eedeyna u jeedisay DF 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---