Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Baarlamanka Puntland oo maanta bilaabaya dhegeysiga khudbadaha Musharaxiinta

Baarlamanka Puntland ayaa maanta bilaabaya dhageysiga khudbadaha musharixiinta u tartamaysa xilka Madaxweynaha iyo ku-xigeenada, kuwaasoo soo bandhigaya waxqabadkooda u qorsheysan haddii ay doorashada ku soo baxaan.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa la soo gebagebeeyey diwaangelinta musharixiinta, iyadoo xubnaha Guddiga doorashada Puntland ay shaaciyeen musharixiinta isku diwangeliyay in ay tartamaan.

Sida uu sheegay guddiga 21 murashax madaxweyne iyo 11 murashax madaxweyne ku xigeen ayaa si rasmi ah loo diiwaan geliyey kuwaasoo buuxiyay shuruudaha ku cad habraaca doorashada.

Qabanqaabo ku aadan doorashada madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland ayaa ka soconaysa magaalada Garoowe, taasoo la filayo inay dhacdo beri oo talaado ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor iyo James Swam oo arrimo kala duwan kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaad kala socotaa sababtii uu kalluunka u liqay Nebi Yuunis Caleyhi salaam?

admin

Somaliland oo ka codsatay reer Galbeedka in lagala tashado xalka xasaradaha ka taagan Badda Cas

Cabdi Cade
Taboola Ads ---