Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Laftagareen Shahaado KMG ah siiyay XildhibaanadII K/Galbeed lagu doortay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Shahaadada Kumeel Gaarka ah guddoonsiiyey Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamanka JFS ee ku madali doona Koonfur Galbeed.

Munaasabad kooban oo ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen ku guddoonsiiyay shahaada aqoonsiga Xildhibaanimo Senataro iyo xildhibaano katirsan Aqalka Hoose oo lagu doortay Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shahaadooyinka guddoonsiiyay waxaa ku jira xildhibaano doorashadooda hakiyeen guddiga doorashada heer federaal ,kuwaa oo siyaabo aysan raali ka aheyn guddiga doorashada kusoo baxay.

Guddiga doorashada heer federaal ayaa dhawwaan la filayaa in Xildhibaanada labada aqal ee la doortay in ay diiwaangeliyaan ayna si rasmi ah u shaaciyaan natiijadooda,  kaddibna la dhaariyo si ay u doortaan guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Shabaab oo shaacisay sababta ay u weerartay saldhiga ciidanka Maraykanka ee Manda Bay

Caydiid Ali

Golaha amaanka ee QM oo bayaan ka soo saaray xaaladihii ugu dambeeyey ee Somalia

Caydiid Ali

Ciidanka Xoogga dalka oo dilay Cabdi Siyaad iyo dagaalyahano la socday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---