Al-Shabaab oo shaacisay sababta ay u weerartay saldhiga ciidanka Maraykanka ee Manda Bay

Al-Shabaab ayaa caawa baahisay bayaan kasoo baxay hogaanka sare ee kooxda oo uu akhrinayo afhayeenka guud ee Xarakada, Shiikh Cali Max’uud Raage.

Sheekh Cali Dheere ayaa ka hadlay weerarkii ay ku qaadeen maalmo ka hor saldhiga Manda bay oo uu sheegay iney ku dileen kuna dhaawaceen 17 askari oo Mareykan ah iyo 9 kamid ah ciidamada Kenya.

“Saldhiggan oo lagu magacaabo “Kaam Simba” ayaa ah xero militari oo ay leedahay dowladda saliibiga ah ee Mareykanka, waxaana ka howlgala boqolaal ciidamo Amerikaan ah. Waa taliska laga hago howlgallada saliibiga ah ee uu Mareykanku ka wado waqooyiga Kenya, waa goobta ay saliibiyiinta reer galbeedku kasoo abaabulaan howlgallada basaasnimo ee ka dhanka ah Muslimiinta bariga Afrika.” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in duullaankii lagu qaaday ciidamada Mareykanka ee Manda Bay uu qeyb ka ahaa olole looga soo horjeedo in magaalada Qudus ay caasimad u noqoto yuhuuda maadama Mareykanka uu weli taageero la garab taagan yahay Israel.

“Qadiyada Falastiin ma ahan qadiyad carbeed, ama mid ku kooban reer Filistiin oo kaliya, balse waa qadiyad khuseysa qof kasta oo Muslim ah, lana xiriirta Iimaanka qofkasta oo Mu’min ah. Masjidka Al-Aqsaa waa qibladii ugu horeysay ee Muslimiinta, waa goobta 3aad ee ugu kheyrka badan Islaamka, waana halkii loo dheelmiyey rasuulkeena –salallaahu caleyhi wasalam- duullaan kasta iyo cudwaan waliba oo lagu soo qaado Masjidkaas iyo Muslimiinta kunool dhulkaas barakeysan, wuxuu ka dhigan yahay duullaan lagu soo qaaday Ummadda Islaamka oo dhan” ayuu yiri Afhayeenka.

Wuxuu intaas ku daray: “Howlgalkan barakeysan ee lagu beegsaday ciidamada Mareykanka ee ku sugan deegaanka Maanda Bay, ayaa ah fariin gaashaanka u daruureysa, sheegashooyinka axmaqnimo ee Trump ee ah, in warcelinada ka dhalanaya taageerada Mareykanka ee Yahuuda ay ku koobnaan doonto keliya, dibadbaxyo iyo diidmo afka baarkii ah oo aan dhaafsiisneyn baraha bulshada”.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sidoo kale dalabaad dhowr ah hor dhigtay dowlada Mareykanka haddii ay doonayaan inay ka bad-baadaan weerarada, waxaana shuruudaha la hor dhigay kamid ah inay joojiyaan dhamaan taageerada iyo tababarrada ay siiyaan maamulka Yahuudda, joojiyaan duqeymaha ka dhanka ah dumarka iyo caruurta Muslimiinta, ciidankooda kala baxaan wadamada Muslimiinta, soona daayaan maxaabiista Muslimiinta ee sida xaq-darrada ah ugu xiran xabsiyadooda.

“Hadaba Haddii ay u hogaansami weyso dowlada Mareykanka dalabkaas aan kor kusoo xusnay, natiijadu ma noqon doonto keliya in dhiig horleh ciidankiina uga daato dhulalka Islaamka, balse waxaa halis gelin doona nolosha iyo masaalixda dhamaan dadka Ameerikaanka ah ee kunool daafaha dunida,” ayuu yiri sheikh cali dheere.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sidoo kale digniin kulul u jeediyey shacabka Mareykanka, waxaana uu yiri: “Farriinteena ku wajahan shacabka Mareykanka waxay tahay: ku seexda kuna soo toosa in inta dowladdiinu ay sii waddo inay maamulka Yahuudda ku taageerto dulmigooda ka dhanka ah ehelkeena reer Filistiin ee Muslimka ah, ciidankiinuna duullaan ku joogaan waddamada Muslimiinta, aadan marnaba amni ku heli doonin gudaha dalkiina iyo dibadiisaba”.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -