Mowliid Maxamed Sheekh oo isku soo dhiibay Ciidanka Milatariga Soomaaliya

Taliska qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed kusoo bandhigey nin sheegay in muddo sannado ah katirsanaa Al Shabaab.

Mowliid Maxamed Sheekh Manuur oo isku soo dhiibay ciidanka milatariga Soomaaliya  ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in mudo 5-Sano ah katirsanaa kooxda Al Shabaab uuna hada go’aansaday in kooxdaasi kasoo baxo.

Ninkan ay soo bandhigeen milatariga Soomaaliya ayaa warbaahinta dowladda u sheegay  in sababta ku Kaliftey in Al Shabaab isaga soo baxo ay tahay dhibaato uu tilmaamay in kooxdaasi ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Milatariga Soomaaliya ayaa marar badan deegaano katirsan maamul goboleedyada dalka kusoo bandhigay xubno ay sheegeen in ay kasoo goosteen Al Shabaab , mana jiro Al Shabaab war ay kasoo saaraan xubnahaasi lasoo bandhigo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -