Sheekh Shariif oo ka hadlay Xaalada ammaan ee dalka iyo cida dishay Xildhibaan Aamina

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xaalada amaan daro ee dalka ka jirta gaar ahaan weerarkii lagu qaaday xerada Xalane iyo qaraxyadii ka dhacay Baledweyne ee lagu dilay Xildhibaan Aamina iyo dad kale oo badan.

Waxa uu sheegay Sheekh Shariif in ammaanka dalka uu faraha kasii baxayo, waxa uuna xusay in saacado gudahood weeraro khasaaro badan geestay ka dhaceen Muqdisho gaar ahaan weerarkii Xalane iyo qaraxyadii kale ee ruxay Baledweyne.

Waxa uu Sheekh Shariif sheegay in Al Shabaab ka dambeeyeen weerarka lagu dilay Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo shacabkii kale ee ku dhintay qaraxyada, waxa uuna ka gaabsaday in qaraxaasi siyaasad ku lug lahaa.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in dalka xilli doorasho hada ku jiro ammaankana faraha kasii baxayo, waxa uuna tilmaamay markasta oo doorashada sii daba dheeraato xaalada ammaan ee dalka uu faraha kasii baxo ayna ka faa’iideestaan kooxaha qaswadayaasha ah.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaana ugu baaqay madaxda maamulka u haya doorashada in ay ka shaqeeyaan sidii doorashada loo dedejin lahaa si meesha uga baxdo firaaqa loona helo xal siyaasi ah iyo mid amni.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in doorashada xildhibaanada labada aqal ee dalka ka dhacday aysan aheyn sidii la filayay, waxa uuna xusay waxa dhacay in aan la oran karin doorasho, isagoona ku baaqay in la hagaajiyo doorashada inta harsan.

Hadalka Sheekh Shariif ayaa kusoo aadaya xilli siyaasiyiin badan shaki galiyeen in dilkii Xildhibaan Aamina iyo weerarkii Xalane uu salka ku hayo siyaasad laguna doonayo in khal khal la galiyo doorashada gabo gabada mareysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -