Madaxweynaha Galmudug oo kahor yimid Qoraalkii kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka

Maamul goboleedyada siyaasad ahaan taageersan Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday qaarkood ayaa kasoo horjeestay qoraalkii kasoo baxay guddiga doorashooyinka ee lagu muddeedyay xilliga dhaarinta xildhibaanada cusub.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa lagu sheegay in qoraalkii kasoo baxay guddiga doorashooyinka heer federaal uu baalmarsanyahay heshiisyadii doorashooyinka ee horey loo gaaray.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Galmudug in guddiga doorashada heer federaal in ay qaadeen tallaabo ka baxsan awoodododa, waxa uuna cadeeyay inaysan aqbali doonin jadwal iyo go’aamo aan kasoo bixin Madasha Wadatashiga Qaranka.

”Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal waxay qaadeen tallaabo ka baxsan awooddooda, waxeyna kasoo horjeedaa heshiiyadii iyo habraacyadii Doorashooyinka, hadaba, Dowladda Galmudug waxay cadeyneysaa inaysan aqbali doonin jadwal iyo go’aamo aan kasoo bixin Madasha Wadatashiga Qaranka.” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor.
Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu dambeyn ka digay wax kasta oo caqabad ku noqon kara dhameystirka hannaanka doorashooyinka,  waxa uuna sheegay go’aamada nuucaan ah in ee leeyihiin gollaha wadatashiga Qaran.
Go’aankan kasoo baxay Madaxweynaha Galmudug ayaa la tuhmayaa in ay gadaal ka riixeyso Villa Soomaaliya oo mar kale rabta in la abuuro jahwareer siyaasadeed si mar kale dib loogu dhigo doorashada Madaxweynaha .
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sidaan oo kale uga horyimid go’aanka kasoo baxay guddiga doorashooyinka, waxaana la filayaa in isna go’aankan ku taageero saaxiibadiis Madaxweynaha maamulka Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -