Muuse Biixi oo la kulmay xubno katirsan Gollaha Ammaanka Qaranka Maraykanka (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Masuuliyiin Sar-sare oo ka Socota Golaha Amaanka Qaranka Ee Maraykanka
 
Washington D.C-15-03-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaadhna ee uu hoggaaminayey oo maalintii saddexaad ku sugan dalka Maraykanka, gaar ahaan Washington D.C ayaa kulan la qaatay masuuliyiin sar-sare oo ka socota Golaha Amaanka Qaranka Maraykanka (National Security Council).
 
Kulankaan dhax maray Muuse Biixi iyo xubnaha katirsan golaha Ammaanka Qaranka Mareykanka ayaa intii uu socday waxaa lagaga wada hadlay iskaashiga, nabadgelyada iyo dimuquraadiyada iyo horumarinta.
 
Sidoo kale madaxweynaha maamulka Somaliland iyo weftigiisu waxay kulamo kale la yeesheen hay’adda Caalamiga ah ee dimu-quraadiyada qaranka Maraykanka (National Endowment for Democracy) iyo masuul katirsan Baanka Adduunka (World Bank).
 
Madaxweynaha Somaliland ayaan ilaa hada la kulmin masuuliyiin xilal sare haya oo katirsan dowladda Mareykanka, waxa ayna kaliya kulamo la qaateen saraakiil hoosaadyo katirsan dowaldda Mareykanka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -