Abiy Ahmed oo Magacaabay Wasiir dowleyaal ay ku jiraan saddex Soomaali ah

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta magacaabay 61 wasiiru-dowle oo ka tirsan xukuumadiisa cusub, waxaana ku jira saddex  Soomaali ah.

Wasiiru dowlayaasha uu Abiy Axmed Magacaabay ayaa noqonaya kuwii ugu badnaa uu dalka Itoobiya yeesho.

Soomaalida ku jirta Wasiiru dowlayaasha uu Magacaabay Abiy Ahmed ayaa kala ah:-

1-Saxarla Cabdullaahi, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda caafimaadka.

2-Dr. Suldaan Wali, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda horumarinta Tamarta.

3-Xasan Maxamed Macallin, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Ganacsiga.

Abiy Ahmed oo maalmo ka hor mar kale loo dhaariyey RW Itoobiya ee shanta sano ee soo socota ayaa magacaabay magacaabay gole cusub oo Wasiiro kaasoo Soomaalidu ku yeelatay hal wasiir oo kaliya kaasoo ah Axmed Shide, Wasiirka Maaliyadda oo xilkaas horeyba u hayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -