Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’isul Wasaare Khayre oo xafiiskiisa ku qaabilay Faadumo Dayib oo ah..(Daawo Sawirro)

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay Madaxa Haweenka Qaramada Midoobay u qaabishan Soomaaliya, Faadumo Dayib oo hordhac u ah wafdi ay hoggaaminayso agaasimaha arrimaha haweenka ee Qaramada Midoobay, Phumzile Mlambo-Ngcuka, oo Soomaaliya booqasho ku imaanaysa maalmaha soo socda.

“Ra’iisul Wasaaraha waxa aan u soo booqday in aan xoojinno wada shaqeynta ka dhaxaysa dawladda federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska haweenka ee Qaramada Midoobay. Aad ayaan ugu faraxsanahay sida uu noo soo dhaweeyay uuna noogu dhiirri geliyay shaqada haweenka ee Qaramada Midoobay”, ayay tiri Faadumo Dayib oo ka war-bixisay kulanka ay la qaadatay Ra’iisul wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaare ayaa sidoo kale kala hadlay sidii codka dumarka Soomaaliyeed iyo ka qayb galkooda siyaasadda loo xoojin lahaa, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii laba jibbaaraan hawsha lagu horumarinayo dawrka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dawladnimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wakiilka Qaramada Midoobay oo fariin Muhiim ah u diray shacabka Soomaalida

Caydiid Ali

Taliye hore oo Al Shabaab u fududeeyay qaraxyo dad badan ku dhinteen oo xukun lagu riday

Cabdi Cade

Sheekh Shariif oo ka hadlay Digniintii NISA fariina u diray Ra’isul Wasaare Rooble

Cabdi Cade
Taboola Ads ---