Wararkii ugu dambeeyey ee xaalada Jigjiga iyo halka uu ku dambeeyey Cabdi Max’uud Cumar

Shacabka magaalada Jigjiga ayaa billaabay inay nadiifiyaan wadooyinka Magaalada oo burbur badan uu daadsanaa kaasoo ka dhashay rabshadihii maalmo ka hor ka dhacay magaaladaas

Waxyaabaha waddooyinka daadsanaa waxaa ka mid ah bajaajyo la gubay, dhagxaan, haraaga taayero la gubay iyo waxyaabo kale, iyadoo shacabka Soomaalida ah iyo kuwa aan soomaalida ahayn ay hawlgalkaas iska kaashanayaan.

Qaar ka mid ah xafiisyada Maamulka eek u yaalla Magaalada ayaa la sheegay inay wakhtiyo kooban furnaayeen.

Qadkii Internetka ayaa maalintii saddexaad ka go’an degaanka Soomaalida, inkastoo ay shaqeynayaan telefoonada caadiga ah.

Dhanka kalana wararka laga helayo Itoobiya ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee Dawlad Degaanka Soomalida Cabdi Maxamuud Cumar uu wali ku sugan yahay magaalada Addis Ababa.

Waxaa soo baxaya warar is khilaafsan oo ku saabsan meesha uu kaga sugan yahay caasimadda, waxaana qaarkood ay sheegayaan inuu ku sugan yahay guri uu qoyskiisu ka sii daganaa magaalada Addis Ababa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -