Xukun adag oo lagu riday nin dil u geestay Muwaadin Soomaaliyeed oo kunoolaa dalka…

Maxkamad kutaalla gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday nin madow ah oo dil iyo dhac u geestay muwaadin Soomaaliyeed oo kunoolaa Magaalada Minnesota.

Marlow Carson oo jira 31 sanno ah ayaa qirtay in uu ka dambeeyay dil goobtiisa ganacsi loogu geestay Liibaan Baqarre oo kamid ahaa Soomaalida kunool Minnesota, waxaana dilkaasi ahaa mid dad badan aad uga naxeen.

Maxkamadda kiiska dilaagan gacanta ku heysay ayaa ugu dambeyn ku riday 30-sano oo xabsi ah iyo saddex sanno oo dheeraad ah oo la xadidayo dhaq dhaqaaqiisa marka xukunka lagu riday soo dhameesto.

Liibaan Baqarre oo kamid ahaa Soomaalida kunool dalka Mareykanka ayaa la dilay bishii April 27-keeda ee sanadkii 2021-, waxaana muwaadinkan Soomaaliyeed lagu dhax dilay goob ganacsi oo ku taallay Xaafada Cedar-Riverside ee magaalada Minnesota.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -