Golaha Iskaashiga ee dowlad goboleedyada oo Qoraal kasoo saaray Xarigii C/raxmaan C/shakuur (Halkan ka Akhriso)

Golaha Iskaashiga ee dowlad goboleedyada ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay kaga hadleen weerarkii dhawaan Ciidamada Nabad sugida ku qaadeen Guriga Siyaasiga C/Raxmaan C/shakuur Warsame.

Waxa ay ugu horeyn Golaha Iskaashiga ee dowlad goboleedyada tacsi u direen dadkii ku dhintay weerarkii lagu qaaday guriga C/raxmaan C/shakuur, waxa ay sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay xariga Siyaasigan loo geestay.

Golaha Iskaashiga ee dowlad goboleedyada ayaa sidoo kale soo dhaweeyay sii deysmada C/raxmaan C/shakuur , waxa ayna ka digeen golahan in dambi laga dhigo khilaafyada siyaasadeed  isla markaana la bartilmaameedsado siyaasiyiinta mucaarada siyaasadda dowladda.

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Golaha Iskaashiga ee dowlad goboleedyada

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -