Wasiirka Amniga oo Raali galin ka bixiyay Xarigii loo geestay C/Raxmaan C/Shakuur (Daawo Muuqaal)

Wasiirka Amniga Xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo xalay la hadlay Waxgarad iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Beesha Hawiyeoo  ayaa raali galin ka bixiyay weerarkii iyo xarigii loo geestay Siyaasiga C/Raxmaan C/Shakuur.

Wasiirka Amniga oo hadlay kadib markii la sii daayay C/raxmaan C/Shakuur ayaa sheegay in uu raali galin ka bixinayo xarigii iyo weerarkii loo geestay C/raxmaan C Warsame, waxa uuna tilmaamay in qaldameen.

”Waxaan leeyahay naga raali ahaada, waxaan nahay Wiilashiina oo wax ku dheelay  raali galin ayaana bixineynaa, waxaan leeyahay Walaalkeen C/raxmaan waxii gaaray ha cafiyo waxii kalana gadaal ayaa loo dhigi doonaa ” Ayuu yiri Wasiirka amniga.

Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada Amniga ayaa horey ugu eedeesay Siyaasiga C/Raxmaan C/shakuur in uu galay dambiyo qaran dumis ah iyo kuwa kale loona hayo cadeymo.

Hadalkan kasoo baxay Wasiirka Amniga ayaa kusoo aadaya xili wali aan Maxkamada aysan cadeyn in Siyaasiga C/raxmana C/shakuur lagu helay ama lagu waayay dambiyadii xeer ilaalinta dowlada kuso eedeeyeen.

Halkan ka Daawo Muuqaalka Raali Galinta Wasiirka Amniga

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -