Allbanaadir.com
NEWS

C/raxmaan C/shakuur oo la geeyay Xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir (Daawo Sawirada)

Waxaa goordhaw xarunta Maxkamada gobolka Banaadir la geeyay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo xeer ilaalinta dowlada Federaalka Soomaaliya ku eedeesay dambiyo kala duwan.

Maxkamada waxaa sidoo kale ku sugan Xildhibaano katirsan Labada Aqal, Siyaasiyiin, Waxgarad iyo masuuliyiin kale, kuwaa oo goob joog ka noqonaya Maxkamadeynta C/raxmaan C/shakuur oo xalay qaab damiin ah lagu sii daayay.

 

Waxaa goordhaw la filayaa in Maxkamada gobolka Banaadir ka bilaabato Maxkamadeynta Siyaasigan oo Xeer ilaalinta Dowlada kusoo eedeeyeen dambiyo waa weyn ay ku jiraan qaran dumis .

Xeer ilaalinta Dowlada Soomaaliya ayaa laga sugayaa in ay soo bandhigaan cadeymaha dambiyada ay kusoo eedeeyeen C/raxmana C/shakuur ay dhawaan xabsiga dhigeen Ciidamada Nabad sugida .

Waxii Warar ah ee kusoo kordha Maxkamadeynta Siyaasigan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka dowladda oo Weerar culus ku qaaday deegaan Al Shabaab joogeen

Cabdi Cade

Midowga Musharaxiinta oo ka carooday qaabilaad uu sameeyey Safiirka Turkiga

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo ka dukeemeestay Suuq kuyaalla Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---