Allbanaadir.com
NEWS

Dib u dhis lagu sameenayo Buundo kutaalla Muqdisho iyo Digniin adag oo la diray (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay dib-udhiska Buundada 1-Aad ee Israac oo dhaxmarta degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab oo ay ka muuqato burbur.

Dhismaha mashruucan oo uu fulinaayo maamulka Gobolka Banaadir ayaa sida uu qorshuhu yahay lagu dhisidoona muda ku dhow 30-Cisho si loo muujiyo bilicda wadadan oo Halbowla u ah isku socodka degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab.

Dhagax dhiga kadib waxaa Warbaahinta la hadlay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee maamulka gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir mudane Cabdiqaadir Maxamed Maxamud (Caana-Boore).

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa digniin adag u diray cid kaste oo caqabad ku ah bilicda iyo dhismaha Wadada Buundooyinka, isaga oo fariin gaar ah u diray Shirkadaha iyo Gaadiidka Xamuulka ah.

Related posts

Maxay tahay cabsida soo wajahday Farmaajo ee ka taagan Villa Somalia? (Xog hoose)

Caydiid Ali

Britain oo soo dhaweysay qorshe ay wado dowladda Soomaaliya

Cabdi Cade

Somalia oo 28 sano ka dib ka qeyb galaysa shirka caalamiga ah ee ITU (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---