(Sawirro) Ciidanka Gorgor oo burburiyey fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen degaanada..

Ciidanka Kumaandooska Gor-gor ee XDS, ayaa sheegay iney howlgal qorsheysan ku burburiyeen fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen degaano hoostaga degmadda Aw-dheegle.

Howlgalkan ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha guutada 17-aad ee Kumaandoska Gor-gor Gaashaanle Dhexe Dayax Cabdi Cabdulle.

Ciidanka Kumaadooska Gor-gor, ayaa waxa ay howlgalka ka sameeyay degaanada kala ah Shaam-gare,tawakal iyo nuucaanaay oo hoostaga dhammaantood degmadda Aw-dheegle ee gobolka Sh/hoose.

Taliyaha guutada 17-aad ee Kumaandoska Gor-gor Gaashaanle Dhexe Dayax Cabdi Cabdulle ayaa sheegay in howlgaladaas ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab, ayna burburiyeen xarumo ay degaanadaas ku lahaayeen.

“Waan sii wadi doonnaa howlgalada aan ku baacsaneyno haraadiga kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab ilaa aan ka baabi’ino dalka oo dhan” ayuu yiri Taliyaha guutada 17-aad ee Kumaandoska Gor-gor Gaashaanle Dhexe Dayax Cabdi Cabdulle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -