Allbanaadir.com
NEWS

Dil saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa saakay xaafada Laabeeriya ee degmada Waabari ku dilay nin la sheegay in uu katirsanaa shaqaalaha waaxda canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Sida aan wararka ku helnay kooxaha hubeesan ayaa goob shaaha laga cabo ku toogtay Cilmi Xaaji Leged oo katirsanaa saraakiisha canshuuraha qaabilsan, kooxda dilka geesatay ayaana goobta si deg deg ah uga baxsatay.

Ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad Sugida oo gaaray goobta dilku ka dhacay ayaa halkaasi ka sameeyay howlgalo aan lagu guuleesan in lagu soo qabto ragii dilka ka dambeeyay.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacayay dilla loo geesanayay dad shacab ah iyo shaqaalo katirsan dowladda, inta badan ragii dilalkaasi geestay ayaana ka baxsaday gacanta laamaha ammaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Rooble oo Wasiir cusub u Magacaabay Wasaarada shaqada & arrimaha bulshada

Caydiid Ali

Magaalo laga mamnuucay cunista Hilibka Eeyaha iyo bisadaha iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Xildhibaan Bashiir Askar Xuseen oo geeriyooday iyo Madaxweyne ka hadlay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---