Magaalo laga mamnuucay cunista Hilibka Eeyaha iyo bisadaha iyo Sababta keentay

Magaalo kutaala dalka Shiinaha ayaa markii ugu horeesay laga mamnuucay  dadka kunool in ay cunaan hilibka eeyaha iyo bisadaha oo kamid ah hilbaha sida weyn looga cuno gudaha dalka Shiinaha.

Maamulka Shenzhen ayaa soo saaray amar magaalada looga mamnuucayo in dadku cunaan hilbaha eeyaha iyo bisadaha, waxaana sababaha loo joojiyay cunista hilbahan ay tahay cabsi laga qabo in laga qaado cuduro faafa sida Carona.

Cunista hilbaha duurjoogta ayaa la sheegay in ay ka dhalatay cudurkan sida weyn dunida ugu faafay ee caronavirus, waxaana dowlada Shiinaha ka cabsi qabtaa hilbaha xayawaanaadka qaar in laga qaado cuduro halis ah.

Sharciga maamulka Shenzhen uu ku mamnuucay cunidda hilibka bisadaha iyo eeyaha ayaa dhaqan galayaa 1-da bisha May ee sannadkan, waxaana maamulka dadka ku xad gudba sharcigan ka qaadayaan talaabooyin adag.

Ururada u doodo xuquuqda xayawaanada ayaa bogaadiyay tallaabadan ay magaalada Shenzhen ku mamnuucday cunidda hilibka eeyaha iyo bisadaha., waxa ayna talaabadan ku tilmaameen mid lagu bad baadinayo xoolaha .

 

 

- Advertisement -