Ciidamada Dowladda oo gacanta ku dhigay dagaalyahano katirsan Al Shabaab (Sawirro)

Ciidanka milatariga Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen gobolka Jubada Hoose ku dilay xubno katirsan Al Shabaab sidoo kale ku qabtay dagaalyahano kale.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka howlgalka fuliyay ayaa sheegay in ay dileen ilaa toban dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab sidoo kale dhaawaceen tiro kale kaddib  howlgal ay ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Jamamaame.

Waxa ay sidoo kale saraakiisha ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland soo bandhigeen ilaa lix nin oo ay sheegeen in ay katirsanaayeen dagaalyahanada Al Shabaab kuwaa oo la qabtay inta uu howlgalku socday.

Ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Danab iyo ciidamada Jubbaland ayaa howkgalo qorsheesan si wadajir ah uga fuliya deegaano katirsan Jubbaland gara ahaan gobolka Jubadda Hoose.

 

- Advertisement -