Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Xildhibaan Bashiir Askar Xuseen oo geeriyooday iyo Madaxweyne ka hadlay

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle Ha’unaxariistee Xildhibaan Bashiir Askar Xuseen oo ka tirsana Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Kaasoo caawa ku geeriyooday India.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaan Bashiir Askar Xuseen oo u geeriooday xanuuno mudooyinkan uu la ildarnaa..

“Waxaan ka tacsiyeynaya geerida Alle ha’unaxariistee Xildhibaan Bashiir Askar Xuseen oo ka tirsana Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Kaasi oo hadda la isoo sheegay in uu ku geeriyooday India.

Waxaan si gaar ah tacsi ugu diraya Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Eheladii iyo qoysaskii uu ka geeriyooday, marxuumka alle janadii ha geeyo aamiin.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

https://m.youtube.com/watch?v=uT2zSGGYrQ4&t=4s

Related posts

Jawar Maxamed oo xabsi la dhigay iyo xiisada ka taagan Adis Ababa oo kasii dareysa

Cabdi Cade

Xilliga Jabhada TPLF hubkeeda culus ku wareejineyso dowladda Itoobiya oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Sargaal loo magacaabay in uu noqdo Guddoomiye Degmo oo katirsan G/Banaadir

Cabdi Cade
Taboola Ads ---