Midowga Musharaxiinta oo ka carooday qaabilaad uu sameeyey Safiirka Turkiga

Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal Maxamed Xasan Maxamed ayaa kulan la qaatay danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz.

Kulanka ay yeesheen labadaan mas’uul ayaa ahaa mid xog-isdhaafsi ah oo ku saabsan dardargelinta howlaha doorashada.

Haddaba Golaha musharaxiinta mucaaridka  ayaa maanta qoraal kasoo baxay waxay si weyn ugu cambaareeyeen kulanka Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz la yeeshay guddiyada doorashooyinka ee lagu muransan-yahay.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inay ka xun-yihiin taageerada iyo bogaadinta uu Safiirka Turkiga u muujiyey guddigaas, kaasoo ay ku tilmaameen guddi aan sharci aheyn.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA GOLAHA MUSHARAXIINTA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -