Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa booqasho aan horay loo sii shaacin oo kadis ah ku tagay, qaar ka mid ah Suuqyada ganacsiga magaalada Muqdisho, isaga uu ugu kuur galaya xaalladda amni iyo horumar ee Caasimadda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka dukaameystay mid ka mid ah Suuqyada casriga ah ee ku yaal Isgoyska Taleex ee degmada Hodan, halkaasi oo uu waqti kula qaatay, qaar ka mid ah muwaadiniinta ku sugnaa goobaha uu booqday.
Ciidamada ammaanka ayaana si weyn u sugayay ammaanka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud intii uu dukaamisiga ku jiray, waxaana aagga suuqa uu Madaxweynaha joogay la xiray waddooyinka soo gala.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com