Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Midowga Afrika oo ciidamo dheeraad ah u soo diray Soomaaliya

Uganda ayaa Soomaaliya u soo dirtay cutubyo cusub oo ka tirsan ciidankeeda booliska ee FPU, kuwaasoo qeyb ka noqon doona howlgalka Midowga Afirca ee AMISOM.

Bayaan kasoo baxay howlgalka AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidamada cusub ee maanta kasoo degay magaalada Muqdisho gacan ka geysan doonaan horumarinta shaqada Booliska AMISOM, sare u qaadista sharciga iyo dadaallada xasilinta Soomaaliya, waxaana Uganda ay ugu horreysaa dalalka ciidmada Booliska ah ugu deeqay howlgalka AMISOM, kuwaasoo sidoo kale ay ka mid yihiin waddamada Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Ghana iyo Zambia.

“Waxaan la shaqeyn doonnaa saaxiibada ka socda dalalka kale ee booliiska ee gacanta ka geysanaya soo celinta nabadgalyada iyo dhismaha ciidamada Soomaaliya inta lagu jiro xilliga kala guurka ah” ayuu yiri Daniel Okello oo ah taliye ku xigeenka guutadan cusub markii uu soo gaaray Muqdisho.

Ciidankan cusub ayaa markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho waxaa qaabilay saraakiil sare oo ka tirsan booliska AMISOM, waxaana sida lagu sheegay bayaankan ay marka hore dhammaysan doonaan karantiil laba toddobaad ah oo khasab ah si waafaqsan tallaabooyinka ka hortagga COVID-19 ee ay dejisay wasaaradda caafiimaadka Soomaaliya.

 

Related posts

Wasaarada Waxbarashada Somalia oo amar culus ku soo rogtay Jaamacadaha dalka

Caydiid Ali

Qaraxyo culus oo goor dhow laga maqlay hotelka SYL iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

(Sawirro) Deni oo shir deg deg ah la qaatay laamaha amniga ka dib xilka qaadistii C/samad Galan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---