Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qaraxyo culus oo goor dhow laga maqlay hotelka SYL iyo Wararkii ugu dambeeyey

Labo qarax oo waaweyn ayaa daqiiqado ka hor laga maqlay nawaaxiga hotelka SYL ee magaalada Muqdisho oo ay gudaha ugu jiraan dabley ka tirsan Al-shabaab oo saacado ka hor halkaas weeraray.

Ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ayaa gudaha hotelka ka wada howlgal lagu soo afjarayo weerarka, iyagoo xiray dhamaan wadooyinka gala hotelkaas.

Rasaas goos goos ayaa weli laga maqlayaa hotelka taasoo ay isweydaarsanayaan dableyda ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada amaanka, waxaana weli cakiran xaalada goobtaas.

Weriye ka tirsan warbaahinta dowlada oo tegay hotelka ayaa sheegay inuu arkay meydadka sadex qof oo iskugu jira garsoore ka tirsan Maxkamada racfaanka iyo labo qof oo shacab ah.

Xildhibaano ka tirsan baarlamanka oo qaarkood dhaawacyo qaba, masuuliyiin kale iyo shacab ayaa laga soo badbaadiyey gudaha hotelka, halka qaar kalena ay weli halkaas go’doon ku yihiin.

Isku socodka dadka iyo gaadiidka qeybo ka mid ah magaalada ayaa joogsaday caawa ka dib markii ciidamo fara badan oo aad u feejigan lagu soo daadiyey, waxaana sidoo kale aad loo xoojiyey amniga Xarumaha dowlada.

La soco wixii soo kordha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Gorgor oo qabtay rag lagu tuhmayo in ay katirsan yihiin Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Cali Jeyte iyo Ciidamo uu wato oo howlgalo ka waday Deegaan lagu duqeeyay Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Dil Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade