William Ruto oo balanqaad la xiriira Soomaaliya u sameeyey Beeraleyda Qaadka Kenya

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, William Ruto, oo maalmihii la soo dhaafay ololahiisa doorasho ka waday gobolka jaadka uu ka baxo ee Meru ayaa waxaa uu sheegay in hadii loo doorto xilka Madaweynaha uu kordhin doono wax soo saarka Qaadka.

William Ruto ayaa sidoo kale sheegay inuu wadahadal la gali doono Dowladda Soomaaliya, kaasoo ku saabsan sidii qaadka Kenya loogu fasixi lahaa suuqyada dalka Soomaaliya.

Dowlada Somalia ayaa labo sano ka hor dalka mamnuucday Qaadka Kenya ka dibn khilaaf soo kala dhex galay madaxda labada dowladood, kaasoo salka ku hayey arrimaha muranka xadba badda oo markii dambe maxkamada caalamiga ah ee ICJ ay u xukuntay Somalia.

Hadalka Ruto ayaa ku soo aaday xilli in muddo ah ay taagneyd arrinta qaadka ka dib markii dhaqaale xumo baahsan ay soo wajahday beeraleyda Qaadka oo Suuqooda ugu weyn uu ahaa Soomaaliya.

- Advertisement -