Wasaarada Waxbarashada Somalia oo amar culus ku soo rogtay Jaamacadaha dalka

Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Taciinta Sare ee dowlada Somalia ayaa Jaamacadaha dalka ku soo rogtay amar cusub oo faraya iney soo gudbiyaan xogta ardayda cusub ee ay qaateen sanadkan.

Agaasimaha Waaxda tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada  Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo maanta shir jaraaid ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in talaabadan ujeedada laga leeyahay ay tahay tayeynta iyo hubinta Jaamacadaha

“Wasaarada Waxbarashadu waxay ku wargelineysaa Jaamacadaha dalka inay ku soo gudbiyaan xogta ardayda ay qaataan Sanad Dugsiyeedka cusub  2021-2022 iyo dokumentiga ay ku diiwaan geliyeen muddo 20 Maalmood ah” ayuu yiri agaasimaha

Ismaaciil Yuusuf ayaa faray bahda Jaamacadaha inaysan diwaan gelinin arday aan wadan Shahaadada Dugsiga Sare ee Dowladda Federaalka  Soomaaliya, isagoo xusay in Jaamacadii aan u hogaansamin amarkan lagala laaban doono aqoonsiga, lagana qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

“Marka ay soo gudbiyaan Jaamacadaha xogta ardayda ay qaateen sanadkan waxaa jiri doono 3 bilood ka dib kormeer aanu ku sameyn doono Jaamacad walba si loo hubiyo xogta ay soo gudbisay” ayuu yiri Agaasimaha.

Jaamacadaha ka jira Somalia iyo ururada ay ku mideysan yihiin ayaan ka hadlin weli amarkan ka soo baxay wasaarada waxbarashada oo mid ah horey looga dhaqan geliyey iskuulada, hoose, dhexe iyo sare.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -