Allbanaadir.com
NEWS

Wasaaradda Difaaca Somalia & Saraakiil Caddaan ah oo ka wada hadlay qorsheyaal Milateri (Daawo Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay saraakiil ka socota howlaglka Mareykanka ee Soomaaliya, Midowga Yurub iyo saraakiisha xeradda tabbabarada Turkiga.

Kulanka, ayaa waxaa looga hadlay dardargelinta tayaynta iyo qalabeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo u diyaar garowga ka bixitaanka ciidanka AMISOM, kaas oo loogu magac daray qorshaha kala guurka.

Mudane, Xasan Maxamed (Amar-dambe) wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in kulanka sidoo kale looga wada hadlay qorshaha wada shaqeyneyd ee arrintaas ku aadan oo ay wada yeelanayaan wasaaradda Gaashaandhigga iyo wadamada iyo hey’adaha caawiya dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.

Kulanka, oo qaatay saacado badan, ayaa labada dhinac waxaa ay isla garteen ahmiyadda ay leedahay in qorshaha dib u dhiska ciidanka xoogga dalka ee wasaaradda Gaashaandhigga ay hormuud ka tahay loo baahan yahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Faahfaahin: Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland oo ku dhaawacmay qaraxii Garoowe

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey ee rabshadaha Magaalada Baydhabo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax goor dhow ka dhacay Magaalada Baydhabo iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---