Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo soo saaraya amarro culus oo dhanka dadka Tahriinka ku galaya

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaado soo saaro ammaro culus oo lagu xakameynayo qulqulka soogalootiga sharci darrada ku soo gala Mareykanka.

Amarkan la qorsheeyey ayaa laamaha socdaalka awood dheeri ah u siinaya in ay si degdeg ah u tarxiilaan dadka seeragoyska ah, siiba kuwa ka soo tillaaba soohdinta dalkaasi la wadaago Meksiko, islamarkaana aan la tixgelin codsiyadooda magangelyo.

In ku dhow Lix milyan iyo Bar soogalooti ah ayaa la joojiyey iyagoo ka soo gudbaya xaduudda Mareykanka mudadii uu xilka hayey maamulka Biden, taas oo u nugleysey dacaayado lagu durayo karaankiisa, gaar ahaan xilligan oo uu olole ugu jiro dib u doorasho.

Migrant arrivals have plummeted this year, however, although experts believe the trend is not likely to be sustainable.

Telefishinka CBS ayaa wariyey madaxweyne Joe Biden uu muddaba ka fikirayey adeegsiga sharciga 1952, kaas oo u ogolaanaya in uu xaddido nidaamka magalngelyada ee dalka  Mareykanka.

Sharcigan oo loo yaqaan 212(f), ayaa madaxweynaha Mareykanka siinaya awoodo u uku hakin karo shisheeyaha dalka soo galaya, haddii uu u arko in imaanshoodu uu halis ku yahay danaha dalka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo ergo u dirsaday Mucaaradka, & Kenya oo bilowday qorshe aargoosi ah

Caydiid Ali

War cusub: Itoobiya iyo Somaliland oo dhamaystiraya heshiiskii is afgaradka

Caydiid Ali

Shiikh Shariif oo walaac ka muujiyey qadiyadda Jareer Weyne & kiiska Jen. Sheegow

Caydiid Ali