Gabar Soomaaliyeed oo guul weyn ka gaartay Is-reeb-reebka Feerka Olombikada Aduunka

Gabar Soomaaliyeed oo feeryahan ah ayaa guul weyn ka gaartay Isreebreebka Feerka Afrika ee loogu soo gudbayo Ciyaaraha Olombikada Adduunka ee lagu qabanayo dalka Japan sanadkan 2020-ka.

Ramla Cali oo ah gabar Soomaaliyeed oo dhalinyaro ah ayaa guul weyn ka gaartay gabar u dhalatay dalka Kenya oo lagu magacaabo Beatrice Akoth, waxa ayna gabadha Soomaaliyeed soo bandhigtay awoodeeda dhinaca feerka ah.

Gabadhan Soomaaliyeed ayaa kulanka kale ee feerka ah ee u balan san tahay sameyn karta taariikh weyn, waxa ayna gabdhan hadii ay guuleesato kulanka labaad ay ka qeyb gali doontaa ciyaaraha feerka ee Ciyaaraha Olombikada aduunka.

Ramla Cali ayaa hada qarka u saaran in ay noqoto gabadhii ugu horeesay ee Soomaaliyeed oo feeryahan ah oo  ka qeyb gasha tartanka Ciyaaraha Olombikada Aduunka, waxaana gabadhan hada isha ku heysaa in ay gaarto guushaasi taariikhiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -