Deni oo lagu soo dhoweeyey Boosaaso, kana hadlay qaraxii lala beegsaday (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa ka tacsiyadeeyey labo askari oo ka tirsan ciidanka ilaaladiisa gaar ah oo maanta ku geeriyooday qarax ka dhacay magaalada Boosaaso.

Qaraxa oo ahaa miino lagu aasay wadada oo lala beegsaday kolonyo uu la socday Madaxweyne Deni oo xiligaas sii galayey magaalada Boosaaso.

“Waxaan Ciidamada Madaxtooyada Puntland iyo guud ahaan Ciidamada Daraawiishta uga tacsiyeynayaa geerida Alle Ha’unaxariiste Cabdullaahi Maxamed Shafeec iyo Maxamed Axmed Cabdullaahi oo ka tirsana Ciidamada Madaxtooyada kuwaasi oo maanta ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Boosaaso. Waxay ahaayeen geesiyaal naftooda u huray dalkooda iyo dadkooda,alle waxaan uga baryayaa inuu janadii geeyo, ehelkoodiina samir iyo iimaan uu kasiiyo. Sidoo kale waxaan intii dhaawacantayna alle uga baryayaa in uu u boogga dhayo. Aamiin.” ayuu yiri Deni

Saciid Deni ayaa sidoo kale sheegay in weerarada noocan ah aysan u hakin doonin howlaha loogu adeegayo bulshada.

“Ciidamadeena geesiyaasha ah waxay marwalbo heegan u yihiin difaaca Dowladdnimada, nabadda iyo horumarka Puntland, weerarada noocan oo kale ahna Puntland u hakanmayso, hore ayeey u soconaysaa iyadoo Cadowga ama cidkastoo falkaasi iyo kuwa la mid ka ah ku lug leh sharciga la marsiinayo.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha ayaa Bulshada reer Boosaaso ugu baaqay ka shaqeynta amniga iyo horumarka, isagoo la wadaagay qorshaha cusub ee lagu  horumarinayo Dekadda Boosaaso, dhismaha Shirkadda Korontada Puntland, dhismaha iyo dayactirka ay Dowladdu ku wado Wadooyinka Gobollada Puntland iyo ka qeyb qaadashada waxqabadyada Isku tashiga ku dhisan sida Garoonka Kubadda Cagta ee Boosaaso.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah  Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaannada cusub ee loo doortay in ay Puntland ku metelaan labada Aqal ee Baarlamaanka JFS iyo Goleyaasha kala duwan ee Dowladda Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -