Madaxweyne Trump oo qaaday talaabo caro weyn ku abuurtay dalka Shiinaha

Mareykanka ayaa Congress-ka ku wargeliyay suurta-galnimada inay Taiwan ka iibineyso gantaallada biyaha hoostooda ku safra oo ku kacaya 180 milyan oo dollar, taasi oo sii xumeyneysa xiriirka Washington iyo Beijing.

Taiwan ayaa sheegatay inay tahay dal madax-banaan, halka Shiinaha ay u arkaan gobol ka tirsan.

Dowladda Mareykanka, si la mid ah inta badan dalalka caalamka, wax xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah lama lahan Taiwan, hase yeeshee waxaa jira sharci ku qasbaya inay ka iibeyso hub ay isku difaacdo.

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa ansixisay iibka gantaallada 18 MK-48 Mod6 ee maraakiibta badda laga rido oo casri ah, kuwaasoo ku kacaya 180 milyan oo dollar, sida ay sheegtay Hay’adda Iskaashiga Difaaca Amniga Mareykanka, oo bayaan soo saartay.

Hay’adda ayaa sheegtay in iibkan uu u adeegayo danta qaran, amni iyo dhaqaale ee Mareykanka, islamarkaana ay ku wargelisay Congress-ka.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha Zhao Lijian ayaa sheegay in Shiinaha ay ashtako rasmi ah oo arrintan ka dhan ah u gudbiyeen Washington.

Zhao ayaa intaas ku daray in Shiinaha ay ku booriyeen dowladda Mareykanka inay joojiso dhammaan hubka ay ka iibiso iyo xiriirka militari ee ay la leedahay Taiwan, si looga hortago dhaawac kale oo gaara xiriira labada dal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -