Allbanaadir.com
NEWS

Zulekha Xasan oo laga saaray aqalka Baarlamaanka Kenya kadib markii ay cunug ay dhashay la gashay (Daawo Sawirro)

Haweeney Xildhibaanad ah kana tirsan Baarlamaanka dalka Kenya ayaa laga saaray aqalka Baarlamaanka kadib markii ay la gashay cunug yar ay dhashay oo dhowr bil un jira.

Zulekha Xasan oo katirsan Baarlamaanka Kenya ayaa cunugeeda markii ugu horeesay la tagtay xarunta Baarlamaanka, waxa ayna taasi layaab ku noqotay Gudoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaano kulanka joogay.

Kulanka Baarlamaanka oo si toos ah looga baahinayay telefishinka Qaranka Kenya ayaa hakad la galiyay kadib markii Xildhibaanada xarunta Baarlamaanka la gashay cunuga yar ay dhashay.

Xildhibaan Zulekha Xasan ayaa sheegtay in xaalad adag ay lasoo daristay sidaasna ay ku kaliftay in cunugeeda la timaado kalfadhiga Baarlamaanka, waxa ayna xustay in ku tala gal arintan u sameyn balse xaalad jirta ay ku kaliftay.

“Waxaan isku dayay xaqiiqadii in aan cunuga la imaan aqalka baarlamaanka ,balse maanta arrin degdeg ah ayaa i qabsatay,hadda waxaan codsanaynaa in haween badan ay baarlamaanka ku biiraan,waa in aan helnaa jawi u wanaagsan haweenka” ayey tiri Zulekha

Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka dalka Kenya oo kulanka gudoominayay ayaa ku amray in Xildhibaanada aqalka ka saarto cunugeeda, waxa ayna taasi dhalisay qeylo badan oo baarlamaanka dhaxdiisa ah.

Baraha bulshada dalka Kenya ayaa dhacdadan waxa ay ka dhalisay hadal heyn iyo dood badan, dadka qaar ayaa taageeray Xildhibaanada halka kuwa kalana ku eedeeyeen in ay magac ka raadineysay talaabadan.

Xeer u yaala Baarlamaanka dalka Kenya ayaa dhigaya in aqalka baarlamaanka aysan soo gali karin xiliyada kulamada socdaan dadka aan xubnaha ka ahayn Baarlamaanka sida caruurta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nabadoon lagu dilay Magaalada Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Daawo Sawirada Sida Quruxda badan ee Muqdisho loogu soo dhaweeyay Madaxwene Afwerki

Cabdi Cade

Dugsiga Amin Qur’an Online oo fursad qaali ah u haya Qurbojoogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---