Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Musharax Khayre oo hal arrin ku amaanay Raisul Wasaare Rooble, kuna baaqay..

RW hore ee Somalia Xassan Cali Khayre ahna Musharax u taagan doorashada madaxweynaha dalka ayaa ku amaanay RW Rooble soo afjarida doorashada xubnaha labada gole ee gobolada Woqooyi oo maanta lagu soo gebagebeeyey Muqdisho.

Khayre ayaa sidoo kale ugu baaqay dowlad goboleedyada ka jira iney iyana soo dedejiyaan dhameystirka doorashada si loo guda galo doorashada madaxda cusub ee dalka.

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU SOO DHIGAY BARAHA BULSHADA.

Waxaan aad u bogaadinayaa dadaallada mirodhalay ee Raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble, Raysalwasaare ku Xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ee dhammesytirka Xubnaha Gobollada Waqooyi uga mid noqonaya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaan bogaadinayaa Raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddiga Doorashada Gobollada Waqooyi oo suurtageliyay in ay soo afjaraan Doorashada Xildhibaannada Aqalka Hoose ee Gobollada Waqooyi sida ku xusan heshiiskii ugu dambeeyey ee Madasha Wadatashiga Qaran lagu gaaray.

Maaddaama dalku ku jiro xaalad adag, islamarkaana wax kasta u xayiran yihiin dhammeystirka doorashada dalka, waxaan ugu baaqayaa Dowlad Goboleedyada iyo cid kasta oo mas’uuliyad ka saaran tahay doorashada in ay xoogga isugu geeyaan dhammeystirka doorashada si dalka loo badbaadiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sargaal katirsan Al Shabaab iyo Saanad uu waday oo gacanta u galay ciidanka Dowladda

Cabdi Cade

RW Khayre oo kormeeray xarumo ku yaalla Magaalada Kismaayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Mahad Salaad: “Madaxda dalku waa ineysan u hogaansamin caga jugleynta Kenya”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---