Allbanaadir.com
NEWS

Jadwalka doorashada shan kursi oo lagu dooranayo Kismaayo oo la shaaciyay

Guddiga Hirgalinta doorashooyinka heer dowlad goboleed Jubaland ayaa shaaciyay jadwalka qabashada 5 kursi oo kamid ah kuraasta Gollaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Kismaayo.

Qoraal kasoo baxay guddiga doorashada Jubbaland ayaa lagu shaaciyay tirsiga kuraasta lagu dooranayo magaalada Kismaayo, waxa ayna guddiga shaaciyeen in 5-tan kursi la dooran doono maalinta talaadada oo ku beegan 22-ka bishan Febraayo.

Maamulka Jubbaland ayaa weli soo gabagabeyn doorashada gollaha shacabka ee ka socota magaalada Kismaayo, waxaana maamulka shaki badan galiyeen in doorashada magaalada labaad ee Garbahaarey lagu qaban karo sababo ay ku sheegeen in gacantooda ku jirin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=Ouxby0mKxoI

Related posts

Dekadda Muqdisho oo lagu qabtay Konteenaro ay Khamri ka buuxeen (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Akhriso Taariikh Nololeedka Fanaanada Qaran Sahra Axmed Jaamac oo maanta geeriyootay

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo shaacisay Magacyada Saraakiil ku dhintay qaraxii shalay (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---