Cali Guudlaawe oo Maamuus gaar ah u sameeyay Fahad Yaasiin (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay Madaxtooyada Magaalada Beledweyne waxaa uu kula kulmay Lataliyaha Amniga Qaranka Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ahna Musharax Xilibaan Gollaha Shacabka.

Kulankan oo sidoo kale goobjoog ka ahaayeen Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle iyo masuuliyiin kale ayaa looga hadlay xaalada magaalada Baladweyne oo maanta lagu wado in ay ka bilowdaan doorashada xildhibaanada gollaha Shacabka.

Fahad Yaasiin oo ah ninka ugu awoodda badan dowlada uu hoggaamiyo Farmaajo ayaa si ka duwan musharaxiinta kale loogu maamuusay Baledweyne, waxaana musharaxan iyo ergada dooraneysa la dejiyay goob gaar ah oo ammaankeeda aad loo adkeeyay.

Lataliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin oo loo xiray kursigii uu horey ugu fadhiyay xildhibaan Faarax Cabduqaadir ayaa la filayaa in doorashada kusoo baxo si deg deg ah uga soo laabto magaalada Baledweyne.

Fahad Yaasiin ayaa dadaal badan ku bixiyay sidii uu kursi xildhibaan u heli lahaa, waxaana ujeedka ugu weyn Fahad Yaasiin ee kursiga u rabo lagu sheegay in uu xasaanad uu kaga badbaado in dacwado lagu soo oogo uga dhiganayo.

DaDaaw

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -