Dekadda Muqdisho oo lagu qabtay Konteenaro ay Khamri ka buuxeen (Daawo Sawirada)

Ciidamada booliiska ayaa Dekadda magaalada Muqdisho waxa ay ku qabteen Konteenaro ay ka buuxaan dhalooyin Khamri ah oo la doonayay in qaab ganacsi lagu soo galiyo gudaha magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiil katirsan booliiska ayaa maanta tagay gudaha Dekadda Muqdisho si ay usoo arkaan khamriga konteenarada ku rarnaa ee lagu qabtay Guddaha dekada.

Khamriga lagu qabtay Dekadda Muqdisho ayaa markii dambe lagu wareejiyay maamulka gobolka Banaadir oo bur burin ku sameeyay, waxaana goobta lagu bur burinayay khamrigan ku sugneyd Gudoomiye kuxigeenka G/Banaadir ee arimaha Bulshada.

Ciidamada amaanka ayaan wali soo bandhigin dadkii lahaa khamrigan lagu qabtay gudaha Muqdisho, warar aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada amaanka Gudaha garoonka Aadan Cadde ku qabteen khamri lagu soo qariyay boorsooyinka.

Dekadda magaalada Muqdisho iyo garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa si qarsoodi ah looga soo dejiyaa khamri lagu iibiyo suuqyo madow iyo hoteelo kuyaala magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -