Akhriso Taariikh Nololeedka Fanaanada Qaran Sahra Axmed Jaamac oo maanta geeriyootay

Allaha u naxariistee Waxaa maanta Isbitaal kuyaala magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland ku geeriootay Fanaanada Qaran Sahra Axmed Jaamac oo kamid aheyd Fanaaniinta ugu caansan Gayiga Soomaaliya.

Halkan ka Akhriso Taariikh Nololeedka Fanaanada Sahra Axmed 

Sahra waxa ay ku dhalatay magaalada Hargeysa kuna soo barbaartay. Ceerigaabo ayay u guureen reerkeeda. Hargeysa ayay dib ugu soo laabatay iyada oo 13-jir ah – reerkeeduna kama war heynin. Sahra fursad uma helin inay wax-barato oo ay iskuul dhigato.

Sahra Axmed waxa ay fanka si rasmi ugu biirtay Sanadkii 1969, ma aysan jirin cid ay ka dhaxashay oo qoyskeeda raad kuma lahayn, marka laga reebo Cabdalla Maxamed Caraale ‘Sag-saag’ oo ay habaryar wadaag ahaayeen kana mid ahaa fanaaniintii magaca weyn ku dhex lahaa Soomaaliya iyo aabaha dhalay fanaanadda da’da yar Ikraan Maxamed Caraale. Xilligii ay yarayd ayay la soo hana-qaaday jacaylka fanka iyada oo ka qeyb-geli jirtay cayaaraha Soomaaliga marka la tumayo. Waxa ay gashay tijaaba ah inay noqon karto fanaanad – way is tusiday noqoshada fannaan; wayna xaqiisay riyadaas.

13-jirkeeda ayay ku bilowday fanka iyada oo iska hees heesi jirtay. Sanadkii 1969 ayay si toos ah uga mid noqotay fanaaniinta diiwaanka galay.  Waxayna ka qeyb gashay riwaayado aad u badan oo ay kusoo jiidatay taageerayaal badan. AUN Cali Faynuus ayaa ka qaaday tijaabada, kabankana u tumay iyada oo aad u qajilaysa; waxa ayna ku dhiirratay kasoo dhex muuqashada bahdii fanka. Hargeysa ayaa xarun u ahayd, waxa ayna kamid ahayd Kooxda Hobollada Waaberi. Sanad waliba waxaa loo qaban jiray fanaaniinta tartanka heesaha hir-galay oo lagu kala xulan jiray. Sahra Axmed marnaba ma aysan ka qeyb-galin sababta oo ahayd iyada ayaa isa soo saartay. Waxayna aad u jeclayd heesaha loo yaqaano Subxis.

Riwaayaddii ugu horraysay oo jilideeda qeyb ka ahayd waxa lagu magacaabi jiray Garashaa Garab wayday hadse mooyi la gaadhi”, isla riwaayaddaas ayay ku soo ban-dhigtay heestii ugu horreysay oo ay qaado laguna magaacaabo ‘Sida Geed Caleen Leh’ uuna la qaadayay fanaanka AUN Maxamed Axmed Kuluc. Riwaayaddii u xigtay ayaa waxaa kamid ahaa laba hees oo caan noqday ilaa haddana la dhegaysto ayna ku wada luuqaynayaan iayada iyo Maxamed Nuur Gariig. Heesahaasi erayadooda waxaa kamid ah – “Talo Maaha Aadmigu, Tuu Uur Jeclaystee, Hadba Waa Ilaahay, Arrinkuu Hir-geliyaa. Ha i odhanin, Hana Eegin, In aan Kaa abaal-dhaco”; Heesta labaad ayaa ahayd; ‘Maahee Qadraay, Qiimiga Kalcagal, ee Quruxda badan, Maad ila Qorshayn – iyaduna ay oranayso: ‘Inanyohow Qaldani, Qiimiga Kalgacal, La Iskuma Qasbee, Hubka iga dul qaad’

Sidoo kale, Sahra ayaa jishay riwaayadihii Waraf iyo Shimbiro War iskuma hayaan iyo Galbeed waa la xoreeyey iyo kuwa badan. Fanaanadda Sahra Axmed ayaa dhiiri-gelisa waqtigan la joogo fanaaniinta aadka u da’da yar, waxa ayna dhowr jeer heeso aad u macaan lasoo qaaday fanaaniintaasi qaarkood. Xilligii dowladii Kacaanka meesha ka baxday, Sahra dalka kama bixin, waxa ayna nolosheeda ku dhamaysatay xilliyadii dagaallada Beerta Xuriyadda ee Hargeysa iyada oo dhexda u xiratay inay korsato carruurtii ay dhashay oo hadda badankood reera wada leh.

Xilligii dagaallada waxa ay la shaqa bilowday Hey’adda Laanqeyrta Cas, waxa ayna caawin jirtay dadkii ku barakacayay waddanka gudihiisa iyadoo ka wacyi-gelin jirtay bulshada in ay is dhibaateeyaan kuna baraarujin jirtay inay ka shaqeeyaan samaha iyo is caawinta. Heestii ugu danbaysay oo ay qaado sanado kahor waxa ay bulshada uga digaysaa qabiilka loo adeegsado sida xun oo dadka lagu dhibaateeyo. Heestaasi ayaa farriin u ah shacabka iyo madaxda.  Waxa ay ahayd hooyada 9 carruur ah oo 5 gabdhood iyo 4 wiil ka koobnaa; Geerideeda:

 

Waxaa qoray: Maxamed Sheikh Yusuf (Baari)

Agaasimaha Machadka Daraasaadka Aadanaha Soomaaliya (ISHUS)

Email: Baariga123@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -