Madaxweyne Deni oo ka hadlay qarax lagu dilay Odayaal Caan ah oo ka dhacay Boosaaso

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa iyo kan Goleyaasha maamulka Iyo Shacabka Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle Ha’unaxariistee Jiif Caaqil Yaasiin Cali Dhahar iyo Nabadoon Cabdi Ciise Maxamed oo ku geeriyooday oo ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Boosaaso.
 
“Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Alle Ha’unaxariisto Jiif Caaqil Yaasiin Cali Dhahar iyo Nabadoon Cabdi Ciise Maxamed oo ku geeriyooday qaraxii argagixisnimo ee ka dhacay Boosaaso.
 
AHUN waxay ahaayeen labo Odey oo si weyn uga soo shaqeeyay nabadeynta iyo horumarka, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelkoodii iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen. Dadkii kale ee ku dhaawacmay weerarkaasi waxaan alle uga baryaya in uu u booga dhayo, aamiin.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -