Al-Shabaab oo shaacisay Magacyada Saraakiil ku dhintay qaraxii shalay (Akhriso)

Al-Shabaab ayaa shaacisay magacyada saraakiil, xildhibaano hore iyo shaqaale ka tirsanaa dowlada Somalia oo ku dhintay qaraxii shalay ka dhacay maqaayad ku dhow hotelka Weheliye ee wadada Maka Al-Mukarama.

Idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Xarakada Al Shabaab ayaa baahisay magacyada qaar kamid ah saraakiishii ku dhintay qaraxii shalay iyo kuwii ku dhaawacmay, waxayna kala yihiin:-

1-C/qaadir Xasan Cabdi oo ahaa xildhibaan ka tirsanaa dowladdii Shariif Sheekh Axmed (dhimasho)

2-Maxamed Ibraahim Sanbuur oo ahaa wasiirka Xanaanada xoolaha ee maamulka HiirShabelle (Dhaawac)

3- Shiikh Yuusuf Cali Ceynte oo ahaa xildhibaan hore oo ka tirsanaa Xukuumadii Shiikh Shariif (Dhaawac)

4- Cali Cadde oo ahaa agaasime Wasaaradeed (Dhimasho)

5- Maxamed Deeq oo isna ahaa Agaasime waaxeed ka tirsanaa Wasaarada Kalluumeysiga (Dhaawac)

6-Guulleed waa sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska dowladda (Dhaawac)

7-C/risaaq Gaadaco oo ka shaqeynayay Xafiiska Xasan Cali kheyre (dhimasho)

8- Cabdullaahi Maxamed Cabdullaahi Gaab Sarkaal ka tirsan Maxkamada gobolka Banaadir (dhaawac)

9- Nin magaciisa lagu soo koobay C/fitaax oo ahaa xubin ka tirsanaa wasaarada Dastuurka (dhimasho)

10-Xuseen Mursal oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Maxkamadda milleteriga (Dhimasho)

11- Maxamed Nageeye oo ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir (dhimasho)

12-Cawil Yuusuf Xasan oo ka tirsanaa Wasaaradda Waxbarashada (dhimasho)

13-Ibraahim C/raxmaan oo ka tirsanaa Wasaaradda Dastuurka (Dhimasho)

Ma jirto cid xaqijisay dhimashada iyo dhaawaca inta badan dadka magacyadooda ay soo bandhigtay Al-Shabaab Marka laga reebo shaqsiyaad kooban oo la xaqiijiyey iney ku dhinteen kuna dhaawacmeen qaraxii shalay ka dhacay wadada Maka Al Mukarama.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -